Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliyihii Militariga ee Kenya oo shil diyaaradeed ku geeriyooday


Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in taliyihii ciidamada milateriga ee dalkaasi iyo sagaal qof oo kale inay ku dhinteen shil diyaaradeed oo dhacay Khamiistii.

Taliye, General Francis Ogolla ayaa geeriyooday ka dib markii ay burburtay diyaarad nooca sida qumaatiga u kaca ah, oo ay saarnaayeen 11 qof. Waxaana shilkaas diyaaradeed ka badbaaday laba qof oo haatan lagu dabiibayo cusbitaalada Kenya.

Diyaaraddan Helicopter-ka ah ayaa burburtay daqiiqado yar ka dib markii ay kacday, waxaana la arkayey dab iyo qiiq badan oo hadheeyey goobta shilku ka dhacay oo ku taalla agagaarka Rift Valley, sida ay baahisay warbaahinta gudaha ee dalkaasi.

Madaxweyne Ruto oo warbaahinta la hadlay ayaa dhacdadan ku tilmaamay inay tahay masiibo qaran.

"Dalkeena hooyo wuxuu maanta waayey mid ka mida taliyayaashii ugu wanaagsanaa" sidaas waxaa sheegay madaxweynaha.

Faah-faahin dheeri ah waxaa soo dirtay Intisaar Saalax Xuseen.

Taliyihii ciidamada milateriga ee Kenya oo shil diyaaradeed ku geeriyooday
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:37 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG