Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afar qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Ceel Waaq


Qarax gaari dameer (Sawir hore)
Qarax gaari dameer (Sawir hore)

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay ilaa lix kalena way ku dhaawacmeen qarax saaka ka dhacay magaalada Ceel Waaq Kenya ee u dhow xuduudda Soomaaliya.

Dad ku sugan magaalada ayaa VOA u sheegay in miinada la dhigay waddada dhinaceeda, isla markaana ay ku qaraxday dad shaqaale ah oo ay ku jiraan fuundiyaal.

Dhinaca kale, wakaaladda wararka ee AFP ayaa soo tebisay inay qaraxaas ku dhinteen shan qof, waxayna wakaaladdu intaas ku dartay in qaraxa lagu soo qariyey gaari dameer. Hase yeeshee qof ka mid ah dadka magaalada ayaa VOA Somali u sheegay in dameer uu ka mid ah noolaha ay waxyeelladu kasoo gaartay qaraxa, balse aan lagu soo qarin miinada gaari dameerka.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay weerarka, hase yeeshee waxaa weerarrada noocan mas’uuliyaddooda sheegta ururka al-Shabaab.

Madal

XS
SM
MD
LG