Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Klopp oo ku dhowaaqay inuu ka tagayo Liverpool


Klopp
Klopp

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ku dhowaaqay go’aan lama filaan ah Jimcaha maanta ah, isaga oo sheegay inuu ka tagayo kooxda dhammaadka xilli cayaaraeedka.

Klopp ayaa go’aankiisa sabab uga dhigay “inuu sii luminayo xamaasaddii.”

Klopp, oo Liverpool dib ugu soo celiyey mid ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan Yurub tan iyo markii uu macallin ka noqday Anfield 2015, ayaa sheegay in go’aanka u ahaa “mid uu ku qasbanaa.”

Macallinka reer Jarmal ayaa Liverpool ku hoggaamiyey horyaalkii ugu horreeyey ee Premier League ee muddo 30 sano ah 2020-kii iyo koobka Horyaallada Yurub 2019-kii.

Liverpool ayaa hadda shan dhibcood ku hoggaamineysa horyaalka Premier League, waxaana 56 jirkan uu rajeynayaa inuu shaqada ka tago isaga oo mar kale ku guuleysanaya.

“Waan fahmi karaa waa ku naxdin dad badan iminka, marka ay maqlaan mrkii ugu horreysay,” ayuu Klopp ku sheegay wareysi uu siiyey website-ka Liverpool.

“Waan jeclahay wax kasta oo ku saabsan kooxda, waan jeclahay wax kasta oo ku saabsan magaalada. Waxan jeclahay wax kasta oo ku saabsan taageerayaasha. Waan jeclahay xulka, waan jeclahay shaqaalaha, waan jeclahay wax kasta,” ayuu yiri Klopp.

Klopp ayaa sheegay inuu go’aankan qaatay November markii ay kooxda ka wada-hadlayeen cayaartoyda lala soo saxiixanayo xilli cayaareedka dambe.

AFP

Madal

XS
SM
MD
LG