Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barcelona oo si dirqi ah uga badisay Las Palmas


Gool ku laadkii muranka dhaliyay ee Ilkay Gundogan ee waqtigii dhimashada ayaa sababy in Barcelona 2-1 kaga badiso kooxda Las Palmas ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Spain khamiistii.

Kooxda Las Palmas ayaa daqiiqadii 12-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxaana u dhigay Munir El Haddadi, laakiin Barcelona ayaa daqiiqadii 55-aad ee ciyaartaa waxaa gool bar-bar dhac ah u dhaliyay Ferran Torres.

Daafaca Las Palmas Dali Sinkgraven ayaa qaatay kaarka cas kadib markii uu tuuray Gundogan waqtigii dhimashada, waxaana ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Manchester City ku guuleystay rigoorada.

Kabtanka Las Palmas Kerian Rodriguez ayaa yiri, “Waxaan rajeynayaa in dhammaan codadka la duubay ay soo bixi doonaan, tani ma ahan wax caadi ah, waa arrin ku saabsan in garsoorayaashu ay u muuqdaan kuwa ugu yar ee suurtogalka ah, ma ahan inay ka muhiimsan yihiin ciyaartoyda”.

Tababaraha Barcelona Xavi ayaa aaminsan in go’aanka rigooraha uu ahaa mid sax ah.

Barca ayaa soo gashay kaalinta 3-aad ee kala sarreynta horyaalka La Liga,waxana ay leedahay 41-dhibcood,waxana ay 7-dhibcood ka hooseysaa hoggaamiyayaasha Real Madrid iyo Girona.

Reuters

Madal

XS
SM
MD
LG