Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxa sirdoonka Turkiga oo yimid Muqdisho


Xasan Sheekh, Ibrahim Kalin, Sanbaloolshe
Xasan Sheekh, Ibrahim Kalin, Sanbaloolshe

Madaxa sirdoonka Turkiga ayaan booqasho aan horey loo sii shaacin maanta ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ibraahim Kalin ayaa markii uu yimid Muqdisho waxa uu la kulmay agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo dhowaan uun loo magacaabay xilkaasi.

Sida ay sheegtay warbaahinta ku hadasha codka dawladda Soomaaliya, madaxa hay’adda sirdoonka Turkiga ayaa goor dambe oo maanta ah qasriga madaxtooyada kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Turkiga iyo Soomaaliya ee dhinacyada muhiimka ah ee labada dal, oo ay ku jiraan amniga, sirdoonka, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada, iyo horumarinta xasilloonida gobolka, sidaasi waxaa qoray telefishanka dawladda Soomaaliya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ahaa mid xooggan, iyadoo labada dhinac ay dhowaan kala saxiixdeen heshiis iskaashi dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha ah.

Madal

XS
SM
MD
LG