Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Martida Makarafoonka: Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadam


Fowsia Yusuf
Fowsia Yusuf

Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta hanashada kursiga Guddoomiyaha Guddiga Midowga Africa, taas oo la qaban doono bisha February ee 2025, waxaana qofka ku guuleysta uu beddeli doonaan Moussa Faki oo xilkan kasii degaya.

Dowladda Soomaaliya ayaa tartankan u xulatay Ra'isul Wasaare ku xigeenkii hore iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Ilaa hadda waxaa Fawsiya xaqiijiyay inuu la tartamayo Ra'isul Wasaare hore ee Kenya Ra'ila Odinga.

Haddaba halka uu marayo ololaha Soomaaliya ay ugu jirto xilkaas ayaan ku eegeynaa Barnaamijka Martida Makarafoonka ee toddobaadkan, waxaana marti ku ah musharraxa xilkaas Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Waxaa soo diyaariyay, soona jeedina Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue).

Dhageyso Barn. Martida Makarafoonka
please wait

No media source currently available

0:00 0:14:19 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG