Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mas'uuliyiinta Mali oo sheegay inay dileen hoggaamiyihii Daacish


Xukuumadda ay milatarigu maamulaan ee dalka Mali ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay dileen Abu Xuzeifa oo ah sarkaal sare oo ka tirsan kooxda la baxday Dowlada Islaamka, intii lagu gudo jiray hawlgal wadajir ah oo ay la sameeyeen dalalka Burkina Faso iyo Niger.

Abu Xuzeifa oo ay madaxiisa saarnayd lacag dhan shan million oo dollar ayaa lala xidhiidhinayay weeraro heerkoodu uu sareeyo oo ka dhacay aaga Saaxil ee qaarada Africa, kuwaasi oo uu kamid ahaa mid lagu dilay afar askari oo Maraykan ah.

Qaar ka mid ah khubarada ayaa sheegaya in ciidamadu ay guushan u adeegan doonaan inay ugu cudurdaaraan inay awoodda sii joogaan.

Warbixin arrintan ku saabsan oo uu diyaariyay Maxamed Yuusuf, waxa inoo soo jeedinaya Cabdixakin Shirwac.

Mas'uuliyiinta Mali oo sheegay inay dileen hoggaamiyihii Daacish
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:42 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG