Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nigeria oo howlgelineysa ciidamo cusub oo boolis ah


Dawladda Nigeria ayaa ka fikiraysa inay soo bandhigto ciidamo boolis ah oo ka hawlgala 36-ka gobol ee dalkaas, arrintaas oo qayb ka ah tallaabooyinka lagu xallinayo weerarada kooxaha xagjirka ah, afduubyada iyo falalka tuugada ee dalkaas ka dhaca.

Ciidamada Qaranka ee Booliska ayaa ah awood kale oo dheeri ah oo lagu daray ciidamada booliska Nigeria oo ka badan 300,000 oo xubnood, kuwaas oo la tacaalaya xasaradaha ka jira guud ahaan dalkaas.

Shacabka Nigeria ayaa arrintan si taxadir leh u soo dhoweeyey, sida uu warbixintan ku eegayo Timothy Obiezu oo ku sugan Abuja. Waxaa soo jeedinaya Ismaaciil Xuseen Farjar.

Nigeria oo howlgelineysa ciidamo cusub oo boolis ah
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:37 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG