Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo taageero horleh u heshay xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya


Wasiirrada Wadamada Carabta iyo Bartamaha Aasiya
Wasiirrada Wadamada Carabta iyo Bartamaha Aasiya

Kal-fadhigii saddexaad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta iyo Waddamada Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa lagu caddeeyay taageerada amnigooda, xasilloonida, midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhulkooda, iyaga oo Soomaaliya ku taageertay 'dadaallada ay ku doonayso inay ku ilaaliso' madaxbannaanida Soomaaliya ee dhulka, badda iyo hawada.

Sida lagu sheegay yabaan ka kasoo baxay shirkan oo ka dhacay magaalada Doha, waxay caddeeyeen in Soomaaliya 'xaq u leedahay inay si sharci ah u difaacdo dhulkeeda' sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay iyo qodobbada khuseeya Axdiga Jaamacadda Carabta, lana taageeray.'

Madashan waxaa Soomaaliya uga qeyb galay wasiirro uu ka mid ahaa wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.

Bayaankan oo ka koobnaa 16 bog ayaa lagu yiri "Wasiirradu waxay muujiyeen diidmadooda qoraalkan iyo wixii sharci, siyaasad, ganacsi iyo ciidan ah oo ka soo baxa, waxayna ku booriyeen dhammaan waddamada inay cambaareeyaan oo ay diidaan qoraalkan.

Waxa ay sidoo kale diideen isku dayo ay ku doonayeen in ay uga faa’iideystaan “Heshiiskii Is-afgaradka” ee aan soo sheegnay oo ahaa in xaqiiqo cusub oo juqraafiyeed looga abuuro Gacanka Cadmeed, xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas, waxayna u arkeen tallaabo khatar ku ah amniga Carabta, marinka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed"

Itoobiya iyo Somaliland ayaa labaduba difaacay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee kowdii bishii January ee sannadkan,

Is-afgaradka ay la gashay Itoobiya, ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand u fidinayso aqoonsi.

Madal

XS
SM
MD
LG