Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xamza: “Ma aqbalayno in mar kale aan ku laabano doorashadii teendhada”


Xamza Cabdi Barre
Xamza Cabdi Barre

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay
in xukuumadda ay ka go’an tahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, oo dadweynaha Soomaaliyeed ay ku soo doortaan hoggaankooda.

Xamza ayaa hadalkan ka jeediyey shir shalay ka furmay magaalada Muqdisho oo hal-ku-dhiggiisu yahay “Geeddi socodka hirgelinta Hannaanka dhab-u-heshiin Qaran.”

“Annaga ma qarineyno, beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraaha Soomaaliya.

“Qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray.”

Madaxweynaha Soomaaliya ee iminka Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxdii ka horreysay ee dowladda federaalka ayaa dhammaantood lagu doortay Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, ayada oo ay u codeeyeen xildhibaanada labada aqal.

Doorasho qof iyo cod ah oo Soomaaliya ka dhacday, oo marar badan ay madaxda ballan-qaadeen, ayaan laga dhabeyn sababo la xiriira amniga dalka oo aan hagaagsaneyn iyo dhameystirka dastuurka oo aan lagu guuleysan.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa marar badan ku eedeeyey madaxda xilka haysa in hadalka ku saabsan doorasho qof iyo cod ah uu yahay isku day muddo kororsi.

Madal

XS
SM
MD
LG